Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo amaanay xabad-joojinta Turkiga iyo Kurdiyiinta


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhoweeyey xabad-joojinta ku-meel gaarka ah oo ay gaareen Turkiga iyo Kurdiyiinta ku dagaalamayey Waqooyiga Syria.

“Waxa aan sameeyey waxay ahaayeen wax aan horey loo arag. Waxaan iri waxyar ha dagaalamaan” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa oo uu kula hadlay gobolka Texas.

“Sida caruur ku dagaalamaysa barxad oo kale, inyar ayaad u ogolaataa inay dagaalamaan kadibna waad kala celisaa.”

“Dhowr maalmood ayay dagaalameen, wuxuuna ahaa dagaal aad u xun.”

Saacado ka hor, madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan oo ku kulmay magaalada Ankara ayaa ku heshiiyey xabad-joojin shan maalmood ah.

Xabad-joojintaas ayaa ciidamada Kurdiyiinta u ogolaaneysa inay ka baxaan aagga Turkiga uu doonayo inuu ka dhigo amniga ee ku teedsan xuduudda.

Mareykanka ayaa sidoo kale ogolaaday inuu qaado cunaqabateenada ka dhanka ah Turkiga, islamarkaana uusan kuwa cusub soo rogin.

Trump ayaa xabad-joojinta ku qeexay “maalin aad ugu weyn” Turkish-ka iyo Kurdiyiinta.

AFP

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG