Isku xirrada

War Deg-Deg ah

16 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Cafar ee Ethiopia


Afar Region
Afar Region

Rag hubeysan ayaa ugu yaraan 16 qof ku dilay, islamarkaana qiyaatsii tobaneeyo kale ku dhaawacay xaafad yar oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, sida ay booliska sheegeen Isniintii.

Weerarkan ayaa qiyaastii 1-dii aroornimo ee sabtidii ka dhacay xaafadda Obno ee degmada Afambo ee gobolka waqooyiga beri ee Cafar.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee gobolka ka dhaca.

“Rag hubeysan ayaa ka yimid dhinaca Jabuuti, waxayna fuliyeen dilka” waxaa sidaas yiri taliye ku xigeenka booliska gobolka Cafar Ahmed Humed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

“Weli horey uma aynan arag dhacdo sidan u weyn oo shacab badan lagu dilay. Weli waan baaraynaa cidd ay ahaayeen raggaas.” Ayuu yiri.

Isbital ku yaalla deegaanka ayaa waxaa la geeyey 28 qof oo dhaawacyo ay kasoo qaareen qaraxyo iyo rasaas, sida uu madaxa Isbitalka Dubti ee goblka Cafar Mohammed Hassen u sheegay Reuters.

Haweeney lagu dhaawacay weerarka ayaa ku weysay seygeeda iyo wiilkeed oo afar bilood jiray, sida uu sheegay Mohammed.

Ethiopia ayaa waxaa ka socda isbeddelo siyaasadeed iyo dhaqaale oo uu hormuud ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo talada la wareegay 2018, kadib markii saddex sano oo ay socdeen dibad-baxyo rabashado watay oo ka dhan ahaa dowladda ay hoggaamiyeen is-casilaadda ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn.

Abiy oo 43 jir ah ayaa jimcihii ku guuleystay abaal-marinta Nobel, sababo la xiriira daadalladii nabadeed ee soo afjaray colaaddii Ethiopia muddada fog kala dhaxeysa dalka Eritrea.

Hase yeeshee is-beddelada uu billaabay Abiy ayaa sidoo kale dhiiri-geliyey hoggaamiye goboleedyo awood badan, waxayna sare u qaadeen xiisadihii qowmiyadaha dalka Ethiopia.

Reuters

XS
SM
MD
LG