Munaasabado loogu baroor-diiqayo qaraxii ugu dhimashada badnaa ee argagxiso ee abid ka dhaca Soomaaliya oo laba sano ay kasoo wareegtay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi oo dhacay 14-kii October 2017-kii waxaa ku dhintay 587 qof, waxaana ku dhaawacmay 316 qof, sida ay sheegeen guddiga loo xilsaaray taakulaynta dadka ku waxyeelloobay masiibadaas.
Dawladda Soomaaliya iyo khubaraduba waxay sheegeen inay qaraxaas gaysteen ururka Al-Shabaab oo iyagu aan ilaa haatan ka hadlin.
Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray Xasan Kaaf Qoyste.