Ciidamada ammaanka gobolka Bari ee Puntland ayaa maanta xabsiga u taaxabay siyaasi lagu magacaabo Muuse Cali Jamaac oo ka maid ah ragga sida weyn looga yaqaan Gobolka Bari.
Laamaha ammaanka Puntland ayaan weli shaaca ka qaadin sababta loo xiray Muuse Cali Jaamac, hase ahaatee 11kii bishan ayay aheyd markii odayaasha gobolka Bari ay baraha bulshadda ku soo bandhigeen dhaliillo ay u jeedinayeen maamulka Puntland oo la xiriira mashaariic dhowaan madaxwaynaha Puntland uu sheegay in maamulkiisu la saxiixday shirkado laga leeyahay dalka Imaaradka Carbta.
Siyaasigan ayaa ahaa afhayeenka odayaasha shirka jaraa’id qabtay, wuxuuna akhriyey bayaankii shirkooda ka soo baxay, waxaana arrintaan markii ugu horeysay ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe, kuwaasoo sharci darro ku tilmaamay xariga Siyaasi Muuse Cali Jaamac.
Maamulka Punltand wali kama hadlin xariga siyaasiga.