Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mas'uuliyiin gaaray Kismaayo xilli dowladda qaaday xayiraadii


Madax gaartay Kismaayo
Madax gaartay Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, madaxweynaha maamulka Puntland, iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka dalka.

Xubnaha maanta Kismaayo gaaray waxaa ka mid ah, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wafuudaas kala duwan ayaa Kismaayo uga qeyb-galaya calaamo saarka madaxweynaha Jubaland ahmed Axmed Madoobe, oo doorashadiisa ay dowlada dhexe ku tilmaantey sharci darro.

Sidoo kale waxaa muuqaneysa in dowladu qaadey xayiraadii ay ku soo rogtey siyaasiyiinta dooneysey in Kismaayo u safraan, hadaba maxaa keeney in dowladi qaado xanibaaddaas? Sidoo kale xal iyo isku soo dhawaansho ma keeni karaan siyaasiyiinta Kismaayo isugu tagay?

Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan ku eegeysa arrimahaas.

Madax hore oo gaaray Kismaayo xilli dowladda qaaday xayiraadii
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:52 0:00


XS
SM
MD
LG