Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hanti-dhowraha oo faah-faahiyey warbixintii uu soo saaray


Afgooye
Afgooye

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya, Maxamed Cali Afgooye oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyey warbixintii ka soo baxday xafiiskiisa ee baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannadda 2018.

Afgooyey ayaa shaaca ka qaaday in warbixintaas ay dadka qaar si qaldan u tarjumeen.

Afgooye ayaa beeniyay in la xaday lacag 18 milyan oo dollar ah warbixintiisa lagu sheegay inay ka maqan tahay qaaliyadda dowladda.

Waxa uu sheegay ay taallo akoon ay dowladda ku leedahay bangiyada caalamka, balse aan la xadin, islamarkaana warbixintiisa aysan melena uga jirin in la xaday.

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Hanti-dhowraha oo faah-faahiyey warbixintii uu soo saaray
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:55 0:00


XS
SM
MD
LG