Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey howl-galka Turkiga ee Syria


Turkey US Syria

Milatariga Dalka Turkiga ayaa duulaan ku haya maalintii labaad dhulka ay ka taliyaan maleeshiyada Kurdiyiinta ee Mareykanka isbaheysiga kula la-dagaalanka Ururuka ISIS ee Syria, laakiin uu Turkigu u arko urur argagixiso.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ujeedada howlgalka ciidamadiisa ee gudaha Syria ku sheegay mid uu kaga hortagayo in xadka ay la wadaagaan Syria ay ku xoogeystaan argagixisada.

Waxaa kaloo uu sheegay in qorshaha wadankiisu yahay sidii loo abuuri lahaa aag nabdoon oo la dejiyo qaxootiga Syria ee haatan ku jira Xeryaha Turkiga.

Wararkii ugu dambeeyay ee duulaanka Turkiga ayuu wariyeheenna Nuur Xassan Nuur Bukhaari ka wareystay Bashiir Macalin Khaliif oo ah Saxafi deggan Magaalada Istanbul.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:05 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG