Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Turkiga oo billaabay howl-galka Syria


Ciidamada Turkiga
Ciidamada Turkiga

Ciidamada Turkiga ayaa billaabay howl-galkii militari ee muddada la qorsheynayey ee Waqooyiga Syria, si looga sifeeyo ciidamada Kurdish-ka ee ay ugu yeereen argagixisada.

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku dhowaaqay billowga howl-galka, oo uu ugu yeeray “Nabadda Xagaaga”, waxaana uu sheegay in looga dan leeyahay cirib-tirka “halista argagixsada” ee ka dhanka ah Turkey.

Ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF) ee Kurdish-ka ay hoggaamiyaan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay garaacayaan goobo shacab, taasi oo argagax weyn sababtay.

Howlgalkan militari ayaa billowday maalmo kadib markii Aqalka Cad ee Mareykanka uu si lama filaan ah ugu dhowaaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxayaan gobolka, si ay dhabbaha ugu xaaraan howlgalka Turkiga.

Madaxweyne Trump ayaa weli difaacaya go’aankiisa, xilli aad looga dhalleeceeyey gudaha Mareykanka, isaga oo yiri “dagaalladeenna aan dhamamadka lahayn ee doqomeed, waa ay dhammaanayaan”

“Dagaallo u dhaxeeya kooxo badan oo kala duwan oo socday boqolaal sanno. Mareykanka marnaba ma ahayn inuu joogo Bariga Dhexe. Waan la baxnay 50 keena askari. Turkey waa inay la wareegaan dagaal-yahannada Daacish ee la qabtay ee Yurub ay diiday inay dib ugu laabtaan” ayuu yiri Trump.

Dhinaca kale, agaasimaha warfaafinta xafiiska madaxweyne Erdogan Fahrettin Altun ayaa ugu baaqay bulshada caalamka “inay taageeraan dadaallada dib u dhiska iyo xasileynta Turkiga,” waxaana uu sheegay in damaca Turkiga ee Syria uu yahay kaliya “in meesha laga saaro halis muddo fog ay wajahayeen muwaadiniinta Turkiga.”

XS
SM
MD
LG