Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Cambaareeyay Qalalaasaha Ciraaq


Banaanbixi Ciraq
Banaanbixi Ciraq

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa cambaareeyay falki lagu dilay tobnaan ruux intii ay socdeen bannabaxyadi todobaadki hore ruxay dalka Ciraq.

Pompeo oo Talaadadi khadka telefoonka kula hadlay Ra’isulwasaaraha Ciraaq Adil Abdul Mahdi, ayaa dhaleeceeyay rabshadihi lagu laayay dadki bannaanbaxyada dhigayay, isaga oo ugu baaqay dowladda Ciraq in ay maxkamad soo taagto kuwa ku xadgudbay xuquuqda aadahanah.

Mudaaharaadyadi ka dhacay Ciraq ayay shacabka ku dalbadeen in la dhameeyo musuq maasuqa dowladda ka jira iyo in wax laga qabto shaqo la’aanta ba’an ee dalkaasi ka jirta.

Rabshadihi ka dhashay dibadbaxyada ayaa sababay dhimashadda in ka badan 100 ruux iyo dhaawaca dad gaaraya lix kun oo qof.

XS
SM
MD
LG