Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo wajahaysa xasarad daroogada Heroin-ta ah


Kenya waxaa haysta dhibaato: Waxa ay la halgamaysaa tirada dadka isticmaala daroogada heroin-ta oo sii kordhaya.

Sideeddii sano ee tagay, tirada dadka Kenyan-ka ah ee isku duraya daroogada ayaa sare u kacay 50%, waxaana badankood ay isku duraan daroogada heroin, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dalka.

In badan oo ka mid ah dadka isticmaala daroogada ayaa ah dhallinyaro, ay daroogada ku qasabtay cadaadiska kaga imanaya kuwa kale ee adgeesada, iyo culeyska saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

Islamarkaana, in la helo daroogada heroin ma ahan wax dhib badan. Magaalada xeebta ah ee Mombasa waa xarunta ugu weyn ee la mariyo daroogada ka imaneysa Afghanistan ee loo wado dalalka Reer Galbeedka.

Sidoo kalena waa raqiis: qaadashada halkii mar ayaa ah kaliya 150 shilling, una dhiganta 1.45 dollar, sida uu qof daroogada isticmaali jiray u sheegay Reuters. Qiimahaas ayaa shan goor ka yar inta ay daroogada ka joogto Mareykanka, sida ay ku warrantay QM.

Ururka dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa dhowaan isbitaalkii ugu horreeyey ee uu ku leeyahay Kenya ka furay magaalada Kiambu, oo 20 km waqooyi ka xigtay caasimadda Nairobi.

Isbitalkan ayaa caawimaad u yabooha dadka qabitimay daroogada, oo loo furo barnaamij dhaqan celin ah, taasi oo siisa daawo maalmeed ka baabi’isa qabatinta.

REUTERS

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG