Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dilalka dhallinyarada Soomaalida Toronto oo kordhay


Booliska Toronto oo baaraya goob qof lagu dilay
Booliska Toronto oo baaraya goob qof lagu dilay

Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa dadaallo ay sameeyeen sanadkii hore wuxuu sababay in hoos u dhac weyn uu ku yimaado dilalka dhallinyarada, balse tan iyo billowgii sanadkan 2019-ka waxaa la sheegayaa in tirada dilalka iyo dhaawaca ay kordhayaan.

Waxaa ugu dambeeyay wiil dhallinyaro ah oo maalin ka hor lagu dhaawacay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Weston and Lawrence ee magaalada Toronto.

Xogta booliska magaalada Toronto uu daabacay ayaa sheegaya in tan iyo billowgii sanadkan 2019-ka ay dhaceen156 is-rasaaseyn, taasoo sababtay dhimashada 30 qof iyo dhaawaca 172 qof.

Walow aysan jirin xog rasmi ah, haddana Soomaalida waxey rumeysan yihiin in dhibaatada ugu badan ay iyaga soo gaartay.

Haddaba maxa soo celiyay dilalka? wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa su'aashaasi iyo kuwa kaleba waydiiyay Yaasiin Abiikar oo in muddo ah deggen magaalada Toronto si aad ahna ula socda arrimahan.

Dilalka dhallinyarada Soomaalida Toronto oo kordhay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:00 0:00


XS
SM
MD
LG