Ciidanka awoodda badan ee Al-Xashd Al-Shacbi ee dalka Ciraaq ayaa maanta sheegay inay diyaar u yihiin inay fuliyaan amarrada dowladda ee looga hortagayo “afgambi ama kacdoon” kadib dibad-baxyo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.
Faleh al-Fayyadh, oo hoggaamiya ciidamadan oo inta badan la qarameeyey, ayaa weriyayaasha ugu sheegay magaalada Baghdad inuu doonayo “in musuq-maasuqa uu dhaco, balse uusan dooneyn in taliska uu dhaco.”
Dibad-baxyada Ciraaq ayaa talaadadii ku billowday dalab lagu doonayo in lagu yareeyo shaqo la’aanta dhallinyarada iyo musuq-maasuqa, hase yeeshee isu-beddelay dalab ku saabsan is-beddel buuxa oo lagu sameeyo hanaanka siyaasadda Ciraq.
Dowladda Ciraaq ayaa ku dhowaaqday is-beddelo dhowr ah oo shaqooyin lagu abuurayo, lagu xoojinayo kaalmada dowladda ee shacabka, islamarkaana xilka looga qaadayo saraakiisha musuq-maasuqa ku lugta leh, hase yeeshee ku eedeysay “shaqsiyaad dano gaar ah leh” inay hurinayaan dibad-baxyada.
“Waan ognahay cidda ka dambeysya dibad-baxyada. Qorshihii lagu ridi lahaa dowladda waa fashilmay,” ayuu yiri Fayyadh.