Gobolka Soomaalida ee Ethiopia ayaa markii ugu horreysay laga dhisey ciidamada Kumaandooska ee sida gaarka ah u tababaran.
Ciidamadan oo gaaraya 250 askari ayaa qeyb ka ahaa 3000 oo askari oo ciidamo cusub oo Liyu Boolis ah oo dhowaan tababar loo soo xiray.
Ciidamadan ayaa looga talo-galay inay ka jawaabaan xaaladaha deg degga ah iyo difaaca xuduudaha gobolka.
Sahra Cabdi Axmed ayaa arrinaasi ka wareystay Xasan Ciise Cali oo ah suxufi degan magaalada Jig-Jiga.