Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Ciraaq oo rasaaseeyey dibad-baxayaal


Ciidamada ammaanka ee Ciraaq ayaa rasaas ku furay maanta oo jimce mudaaharadayaal dawladda ka soo horjeeda oo isugu soo baxay magaalada Bagdhad.

Dadka banan-baxaya ayaa ka cabanaya shaqo la’aan, musuq-maasuq iyo adeegyada bulshada oo liita.

Illaa iyo hadda lama shaacin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta.

Ra’iisul wassaraha Ciraaq Adel Abdul-Mahdi ayaa khudbad laga daawaday teleefishinka waxa uu ugu baaqay dadka banaan-baxaya in ay guryahooda adaan mar haddii la maqlay waxa ay tabanayaan.

Tirada dhimashada dibad-baxyada rabshadaha wata ee dalka Ciraaq ka billowday Talaadadii ayaa gaartay 42 qof. Dowladduna waxa ay kaga jawaabtay Bandow lagu so rogay magaalooyinka ay isu-soo-baxyadu ka jiraan.

Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu horreysay ee weyn ee uu wajaho ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi, oo dowladdiisa soo dhigay sanad ka hor.

XS
SM
MD
LG