Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyo dhimasho leh oo ku baahay Ciraq


Ugu yaraan afar qof oo dibad-baxayaal ah ayaa toogasho lagu dilay ayada oo mudaaharaadyo xooggan oo ka dhan ah musuq-maasuqa iyo shaqo la’aanta ay ku baaheen magaalada ku taalla Koonfurta Iraq ee Amarah, sida ay maanta sheegeen ilo-amni iyo kuwa caafimaad.

Dibad-baxe kale ayaa sidoo kale maanta lagu dilay gobolka Dhi Qar, halkaasi oo dhiigga ugu badan ee ka dhashay dibad-baxyada Ciraq uu ku daatay illaa iyo hadda, sida uu sheegay madaxa caafimaadka gobolka Abdulhussein al-Jaberi.

Dhimashada cusub ayaa tirada guud ee dadka dhintay tan iyo markii ay dibad-baxyada billowdeen saddex maalin ka hor ka dhigeysa 18, oo uu ku jiro sarkaal boolis.

Ra’iisul wasaraaha Iraq, Adel Abdel Mahdi ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucay dhaq-dhaqaaqa dadka laga billaabo 5:00 am, si uu u joojiyo dibad-baxyada sii kordhaya.

Booliska ka hor-tagga rabshadaha ayaa rasaas u riday hawada, si ay u kala ceyriyaan tobaneeyo qof oo isugu yimid fagaaraha Taxriir ee magaalada Baghdad ayaga oo jebinaya bandowga.

Dibad-baxayaasha ayaan ku faraxsaneyn adeegga dowladda ee liita iyo musuq-maasuqa.

Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu horreysay ee weyn ee uu wajaho ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi, oo dowladdiisa soo dhigay sanad ka hor.

XS
SM
MD
LG