Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sannad ayaa maanta laga joogaa dilkii Khaashuqji


Khashoggi
Khashoggi

Sannad ayaa maanta, oo ku beegan labada bisha October, laga joogaa,marki saxafiga Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Khaashuqji – oo ahaa xog-ogaal ku dhex-jiray qoyska boqortooyada balse kadib isu-beddelay dhalleeceeye – ayaa 2-dii October 2018 lagu dhex-dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, howl-gal ay fuliyeen 15 sarkaal oo laga soo diray Riyadh. Meydkiisa illaa iyo hadda lama helin.

11 ka mid ah dadkaasi oo la aqoonsaday ayaa maxkamad ku wajahaya Riyadh, ayada oo shan ka mid ah ay wajahayaan ciqaab dil ah.

Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayib Erdogan ayaa ballan qaaday, in dowladdiisa ay sii wadi doonto dadaalladeeda ku aadan ifinta dilkii wuxushnimada ahaa ee lagu khaarijiyay Jamaal Khaashuqji oo ahaa saxafi u dhashay dalka Sacuudiga.

Khaashuqji, ayaa ahaa saxafi magangalyo ku daganaa Mareykanka. Wuxuu ka mid ahaa dadka maqaalada ku qoro wargeyska Washington Post ee kasoo baxa magaaladan Washington D.C. Wuxuu ka mid ah dadka naqdiya siyaasadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

CIA-da iyo ergeyga gaarka ah ee QM ayaa labaduba si toos ah dilka ula xiriiriyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, eedeyntaas oo uu beeniyey.

XS
SM
MD
LG