Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo Xusaya 70-sano-guurada Shuuciyaddooda


Milatariga Shiinaha
Milatariga Shiinaha

Shiinaha ayaa maanta u dabaaldagaya sannadguuradi 70-aad ee marki la aas-aasay Jamhuuriyadda Shuuciga ah ee Shiinaha.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta ka dhacday caasimadda Beijing ayuu madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping abaalmarinno isugu jiro billado qaran iyo billad sharafeedyo ku guddoon siiyay ilaa iyo 42 qof oo isugu jiray Shiinees iyo ajnabi.

Dadka abaalmarinnada la siiyay ayaa waxaa ka mid ah Tu Youyou oo hadda ka hor ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Prize qeybteeda Fiisikiska iyo Caafimaadka.

Dadka ajnabiga ah ee shahaado sharafeedka la siiyay ayaa waxaa ku jira Ra’isulwasaarihi hore ee Faransiiska Jean-Pierre Raffarin oo guddoomay billada saaxibtinimada.

XS
SM
MD
LG