Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saameynta go'aanka Maxkamadda Sare ee Britain


Maxkamadda Sare ee Britain ayaa shalay xukmisay inay sharci-darro tahay tallaabadii ra’iisul wasaare Boris Johnson uu baarlamanka ku kala diray muddo shan toddobaad ah.

Xukunkan ayaa dhabar-jab weyn ku ah awoodda Johnson, waxayna shaki cusub gelineysaa wacadka uu ku maray inuu Britain ka saarayo Midowga Yurub 31-ka October, xitaa haddii aan heshiis lala gaarin Brussels.

Iyada oo ku dhowaaqaysa go’aanka oo si aqlabiyad leh ay isugu raaceen 11-ka garsoore, ayaa madaxweynaha maxkamadda sare Brenda Hale waxay tiri “Go’aanka lagula taliyey boqorad Queen Elizabeth-da labaad inay shaqada baarlamanka joojiso wuxuu ahaa mid sharci-darro ah.”

Go’aanka maxakamadda ayaa saameyn xun ku yeelanaya mustaqbalka Johnson iyo qorshaha Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub.

Cabi Xaafid Cawil Ismaaciil ayaa arrintan ka wareystay Faarax Cigaal oo ah aqoonyahan ku sugan London kana faallooda siyaasadda Britain.

Saameynta go'aanka Maxkamadda Sare ee Britain
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:28 0:00


XS
SM
MD
LG