Bannaanbaxyo kale oo lagaga soo horjeedo madaxweyne Abdelfatah Al Sisi ayaa Sabtidi ka dhacay dalka Masar, kaddib marki ay si lama filaan ah habeenkii Jimcaha uga bilowdeen magaalooyinka waaweyn oo ay ku jirto caasimadda Qairo.
Boqollaal ruux oo magaalada dekadda leh ee Suez ka dhigay dibadbax looga soo horjeedo dowladda ayaa waxaa ka hortagay ciidamada amniga oo dadka ku kela eryay qaaca indhaha ka ilmeysiiya.
Magaalada Qahira, ciidamo tira badan ayaa lagu daadiyay fagaaraha dibadbaxyada caanka ku ah ee Tahrir oo ah halki uu ka bilowday kacdoonkii Masar ee sanadki 2011-ki.
Bannaanbaxyadan cusub ayay dadka ku dalbanayaan inuu is casilo madaxweyne Al Sisi, kaddib marki nin ganacsade ah oo ay muddo is yaqaaneen Al Sisi ku eedeeyay isaga iyo qosykiisaba musuq maasuq baahsan.