Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo Dhabar-jabisay Argagixiso


Shabaab

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in ay xirtay dhowr qof oo ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin ururada Al Shabab iyo Daacish, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay wadeen qorshayaal ay ku weerari rabeen meelo ka duwan oo ku yaalla Itoobiya.

Hey’adda Sirdoonka Itoobiya ee loo soo gaabiyo NISS ayaa Sabtidi shalay sheegtay, in gacanta lagu dhigay tiro dad ah oo aanan cadadkooda la shaacin, kuwaas oo qaarkood ku jiray howlo basaasnimo ah sida in ay sawirro ka qaateen bartilmaameedyo ay suurtagal tahay in ay weerari rabeen.

Bayaanka kasoo baxay Sirdoonka Itoobiya ayaa lagu sheegay in kooxda la qabtay ay diyaarnayeen in la weeraro hoteello, xafladaha iyo isu soo baxyada diimeen, meelaha ay dadweynaha isugu yimaadaan ee magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Warka ayaa intaasi ku daraya in dhabarjirinta kooxdani weerarka qaadi laheyd ay iska kaashadeen sirdoonka Itoobiya iyo kan Jabuti, waxaana dadka la xiray ku jira hogaamiyihii kooxda weerarka qaadi laheyd oo magaciisa lagu sheegay
Muhammed Abdulahi.

Meelaha laga soo kala qabtay ayaa waxaa kamida ah Addis Ababa, iyo deegaannada ismaamulka Oromada iyo Soomaalida.

XS
SM
MD
LG