Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukunkii Netanyahu oo halis ugu jira inuu soo dhamaado


Israel Elections
Israel Elections

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo ninka la loolamaya ee Benny Gantz ayaa ku kala adkaan waayey doorashadii guud ee shalay dhacday, taasi oo sare u qaadeysa suurta-galnimada ah in la dhiso dowlad wadaag ah, ama xitaa uu soo geba-geboobo xukunkii muddada dheeraa ee Netanyahu.

Warbaahinta Israel ayaa werineysa in in xisbiga garabka-midig ee Netanyahu ee Likud iyo kan Gantz ee Blue and White uu mid walba helay 32 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka, ayada oo 90% la tiriyey codadka.

Warbixinadan ayaa soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan guddiga doorashada, hase yeeshee natiijada rasmiga ah weli laguma dhowaaqin.

Natiijadan ayaan wax waddo ah oo ay ku dhisaan dowlad siineyn labada xisbi, taasi oo qasab ka dhisey in lasoo dhiso dhowlad wadaag ah.

Haddii natiijada ay sidan sii ahaato, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Netanyahu, oo doonayey inuu dhiso dowlad isbaheysi ah oo dhanka midig jirta, lana mid ah tan hadda uu hoggaamiyo, xilli uu wajahayo eedeymo ku saabsan musuq-maasuq.

Netanyahu ayaa khudbad uu taageerayaashiisa u jeediyey ku sheegay inuu soo dhisi doono dowlad “xoogan oo sahnuuniyad ah.”

Gantz ayaa isna dhankiisa ku baaqay “dowlad midow ah oo baaxad weyn”, balse waxa uu sheegay inuu sugayo natiijada rasmiga ah.

XS
SM
MD
LG