Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Rabshado ka dhashay eedo la xiriira aflagaadeynta diinta


Shacab careysan ayaa ku xoomay iskuul iyo macbad ay leeyihiin Hindu-ga kadib markii maamulaha iskuulka oo Hindu ah lagu eedeeyey aflagaado diineed, sida ay sheegeen booliska.

Rabshadaha ayaa ka dillaacay gobolka Koonfureed ee Sindh kadib markii arday uu maamulaha iskuulka oo Hindu ah ku eedeeyey inuu aflagaadeeyey Nebiga, nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Dadweyne carreysan ayaa kadib ku xoomay iskuulka, sidoo kalena burbur u gaystaan macbad hindu-ga ku leeyihiin halkaas sida laga soo xigtay booliska.

Maamulaha Iskuulka ayaa waxaa xabisay booliiska si loo bad-baadiyo, waxana booliska ay sheegeen inay baarayaan hadalka lagu eedeeyey iyo rabshadihii ka dambeeyey.

“Waxay u muuqataa in maamulaha uusan hadalka u dhihin si ula kac ah” Furrukh Ali oo ah madaxa booliska deegaanka ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

Aflagaadeynta Nebiga, Nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, ayaa waxaa lagu muteystay xukun dil oo qasab ah, dalka Pakistan oo 95% dadkiisa ay muslimiin yihiin, islamarkaana qaba mid ka mid ah sharciyada ugu adag ee ka dhanka ah aflgaadeenta diinta.

Pakistan weli lagama fulin xukun dil, hase yeeshee dad carreysan ayaa mararka qaar dila dadka lagu eedeeyo.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheega in sharciga ka dhanka ah aflagaadeynta diinta ay inta badan ka faa’iideystaan kooxaha mayalka adag ee diinta, iyo sidoo kale shacab doonaya inay wax iska barbareeyaan.

Reuters

XS
SM
MD
LG