Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhibaato ka dhalatay bedelidda kunka shilling ee Kenya


Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hortaantii bishii June ee sadnakan ku dhawaaqay in lacagta waddankaasi gaar ahaan kunka Shilling la beddeli doono, lacag cusubna lagu bedelli doono.

Kenyatta ayaa tallaabadaas ku macneeyey inay qeyb ka tahay qorshe lagula dagaalamayo musuq maasuqa iyo lacagaha been abuurka ah.

Dadka reer Kenya ayaa loo qabtay in lacagaha kunka ah ee ay haystaan ay bangiyada ku celiyaan ka hor 1-da bisha October ee soo socota.

Hase yeeshee, iyadoo aanba la gaarin waqtiga ayaa lacagta ay dhibaato ka abuurtay suuqyada xeryaha qaxootiga iyo gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida Kenya.

Wariyaha VOA, Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.

Dhibaato ka dhalatay bedelidda kunka shilling ee Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:28 0:00


XS
SM
MD
LG