Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo sare u qaaday rajada ah inuu la kulmayo Rouhani


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in hoggaanka Iran ay doonayaan inay la kulmaan, taasi oo sare u qaaday rajada ah inuu diyaarinayo kulan uu dhiggiisa Iran kula yeesho kulanka guud ee QM ee bishan.

“Waxaan kuu sheegi karaa in Iran ay dooneyso in la kulmo” ayuu Trump ugu sheegay Aqalka Cad.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan tusmeeyey inuu diyaar u yahay la-kulanka Hassan Rouhani oo la filayo inuu ka qeyb-galo kulanka guud ee QM ee New York. Si kastaba, Iiraaniyiinta ayaan weli bixin jawaab wanaagsan.

Rouhani ayaa arbacadii weerar ku qaaday maamulka Trump, oo cadaadiska ku kordhiyey Iran, wuxuuna sheegay in “qasab tahay in Mareykanka ay fahmaan in cadaawadda iyo dagaal u oomanaanta aysan waxba u tari doonin.”

Xiisadda Tehran iyo Washington ayaa sare usii kaceysay tan iyo bishii May ee sanadkii tegay, markaasi oo Trump uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, islamarkaana uu qaaday tallaabooyin uu cunaqabteeno cusub ku saarayo.

Iran ayaa taas kaga jawaabtay inay dib uga laabtay u hogaansanaanta qodobo ka mid ah heshiiska Nukliyeerka, dibna u billowday qeybo ka mid ah barnaamijkaas.

XS
SM
MD
LG