Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danjire Fiqi oo ka hadlay qaxootiga la gaynayo Rwanda


Cali Saciid Fiqi

Dowladda Rwanda ayaa aqbashay inay qaabisho boqolaal qaxooti African ah oo megangalyo doon ah oo ku jira xeryo ku yaala dalka Libya.

Rwanda ayaa ku oglaatay qaabiladda qaxootigan heshiis ay shalay magaalada Addis Ababa kula gaartay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo Midowga Africa, islamarkaana fulintiisa uu maal-gelinayo Midowga Yurub.

Qeybta ugu horreysa oo ah 500 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo haween u badan kuwa ka soo jeeda Geeska Africa ayaa loo daad gureynayaa Rwanda toddobaadyada soo socda.

Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka ee Brussels kula xiriiray safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, wuxuuna weydiiyay inuu faahfaahiyo heshiiskan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:09 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG