Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxooti ku xaniban Libya oo loo qaadayo dal Afrikan ah


Hey'adda Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in boqollaal qaxooti Afrikaan ah oo ku go'doonsan xarumaha dadka lagu hayo ee dalka Liibiya, todobaadyada soo aaddan loo daabuli doono dalka Rwanda.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada isi-soo-taraya ee lagu doonayo in lagu samato-bixiyo dadka ay colaaddu ku qabsatay dalkaasi waqooyiga Africa ku yaalla.

Babar Balosh, afhayeenka hey'adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan QM, ee marka magaceeda laso gaabiyo loo yaqaanno UNHCR ayaa sheegay, in kooxda ugu horreysa oo ka kooban 500 oo qof oo ka yimid Geeska Afrika, todoobaadyada soo socda la daad-gureyn doono.

Tiradaas ayaa qeyb ka ah 4700 qaxooti ah oo lagu hayo dalka LIbiya. Qorshaha muhaajiriintan loogu rarayo waddanka Rwanda waxaa qeyb ahaan maalgelinaya ururka Midowga Yurub.

Tirada Afrikaanka ka cararaya colaadda iyo gaajada dalalkooda ka jirta ee doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub ayaa sii korodhay tan iyo markii kacdoon shabac oo NATO taageero ka helaya xilka looga tuuray, madaxweynihii hore ee dalkaasi Mucammar Alqaddaafi.

Sida ay ku warrantay UNHCR waxaa xilligan Liibiya ku sugan qiyaastii 4700 qaxooti ah oo u kala dhashay waddamada: Eritrea, Somalia, Ethiopia iyo Sudan, kuwaasoo hadda ku xiran xarumaha dadka lagu hayo. Xeryaha ay muhaajiriintu ku jiraan ayaa magac ahaan u hoostaga xukuumadda, laakiin waxaa intooda badan maamula kooxo hubeysan.

Sida ku cad heshiiska Rwanda, qaxootiga ayaa diyaarado lagu geyn doonaa dalkaasi iyagoo ah kooxo ay middiiba 50 ruuux ka kooban tahay, waxaanay ku nagaan doonaan goobo loo diyaariyay oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Kigali.

UNHCR ayaa sheegtay in daad-gureyntu aanay qasab aheyn oo ay qaxootigu iskood u dooranayaan, waxaana mudnaan gaar ah la siin doonaao qeybaha ugu nugul sida carruurta iyo da'yarta aanay eheladoodu la socon, naafada iyo waayeelka.

XS
SM
MD
LG