Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Robert Mugabe oo geeriyooday


Robert Mugabe
Robert Mugabe

Robert Mugabe, oo dalka ku yaalla Koonfurta Afrika ee Zimbabwe xukumay 37 sano kadib dhammaadkii xukunka caddaanka laga tirada badan yahay, ayaa maanta geeriyooday.

Waxa uu ahaa 95 jir.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee dhimashadiisa, hase yeeshee caafimaadka Mugabe ayaa sii xumaanayey tan iyo markii xukunka laga tuuray sanaddii 2017.

Mugabe ayaa ka tagay dhaxal cakiran kadib 37 sano oo ah xukun ay kusii kordheysay kali-talisnimo.

Sanadihii uu da’da yaraa, waxa uu hoggaamiyey dhaq-dhaqaaq jabhadeyn ah oo horseeday madax-bannaanida Zimbabwe. Waxaa xilligaas lagu qeexay halyeyga xoriyadda ee gudaha iyo dibedda ee mustacmaraddii British-ka ee mar loo yaqiin Rhodesia.

Waxa uu dadka Zimbabwe ku booriyey inay heshiiyaan kadib dagaal sokooyey oo dalka la degay sanadihii ugu dambeeyey ee gumaysiga.

Waxa uu ballaariyey hanaanka waxbarashada iyo caafimaadka dalka, isaga oo ka dhigay mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan Africa.

Hase yeeshee, wuxuu waqtigu socdaba, waxaa kasii lumayey dul-qaadka in la mucaarado, wuxuuna wajahay eedeymo sii kordhayey oo ku saabsan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, cadaadis joogto ah, iyo ku-shubasho doorashooyin.

Waxa uu beerihii ka qaaday caddaanka kuna wareejiyey madowga, taasi oo horseedday cuna-qabateyn ay Reer Galbeedka saareen isaga iyo xulufadiisa.

Sanaddii 2008, sicir-bararka Zimbabwe ayaa cirka galay oo gaaray heer aan caadi ahayn oo ah 231%, taasi oo illaa iyo maanta taagan.

Markii uu sii gaboobayey ee uu galay da’da 90-aadka, waa uu sii tabar daroobay, waxaana xaaskiiska, oo aanay shacabka jecleyn, ay isku diyaarisay inay xukunka kala wareegto.

Militariga ayaa taas ka hor-tagay kalana wareegay xukunka bishii November ee 2017. Waxaa beddelay madaxweyne ku-xigeenkiisa muddada fog, Emmerson Mnangagwa.

XS
SM
MD
LG