Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daraasad: Kansarka waa dilaaga 1-aad ee dalalka hodonka ah


Cudurka Kansarka ayaa noqday sababta ugu weyn ee hoggaamisa dhimashada dalalka hodonka ah, isaga oo ka sare maray cudurka wadnaha, sida lagu sheegay laba daraasad oo caalami ah oo maanta lasii daayey.

Cudurka wadnaha ayaa weli ah sababta ugu badan ee dadka da’ dhexaadka ah ay ugu dhintaan caalamka, isaga oo sababa 40% dhammaan dhimashooyinka, sida ku cad xogta daraasadda.

Waxaa la rumeysan yahay in cudurka wadnaha uu sanaddii 2017 caalamka ku dilay 7.7 milyan oo qof.

Hase yeeshee dalalka hodonka ah, kansarka ayaa dila dad ka badan kuwa u dhinta cudurka wadnaha, sida ay sheegayaan daraasadahan oo lagu daabacay wargeyska caafimaadka ee The Lancet.

“Dunida waxay arkeysaa is-beddel dhanka cudurada saf mareenka ah, ayada oo cudurrada wadnaha aysan hadda ahan sababta koowaad ee dhimashada dalalka dakhligoodu sarreeyo” waxaa sidaas yiri Gilles Deganais, oo ah Professor wax ka dhiga jaamacadda Laval University ee magaalada Quebec ee dalka Canada.

Waxa uu sheegay in daraasaddii ay sameeyeen kooxdiisa ay muujisay in kansarka uu ahaa hoggaamiyaha koowaad ee dhimashada caalamka, sanaddii 2017, isaga oo sababay 26% dhimashada dunida.

Deganais ayaa sheegay in heerka cudurka wadnaha ee dunida uu hoos u dhacay, islamarkaana kansarka uu noqon karo kan dunida ku sababa dhimashada ugu badan labaatanka sano ee socda.

Daraasaddan ayaa la socotay in ka badan 160,000 oo qof oo ku nool dalalka dakhligoodu sarreeyo, qaar dhex-dhexaad yahay iyo kuwo dakhligoodu hooseeyo. Waxay ogaatay in dalalka saboolka ah, dadka u dhintay cudurka wadnaha ay laba goor iyo bar ka badan yihiin kuwa u dhintay kansarka.

Waxa ay sidoo kale ogaatay in cudurka kansarka uu ku yar yahay dalalka saboolka ah marka loo barbardhigo kuwa hodonka ah.

XS
SM
MD
LG