Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD oo ka shiraysa abaarta gobolka


Cabdi Jaamac

Magaalada Nairobi waxaa maanta ka furmay shir ay yeelanayaan waddamada urur goboleedka IGAD, kaasoo ay uga hadlayaan arrimaha la dagaalanka abaaraha iyo nafaqa-darrada ka jirta wadamadaas.

Shirka oo ay ka qeybgalayaan madaxda hay'adaha samafalka iyo masuulyiin ka socday dowladdaha IGAD ayaa muddada uu socdo waxay ku fallanqeyn doonaan waxyaabihii u qabsoomay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay iyo sidoo kale sidii loo wajihi lahaa wajiga labaad ee la dagaalanka abaaraha iyo nafaqa darrada.

Haddaba, Dr. Cabdi Jaamac oo ah isku duwaha xafiiska la dagaalanka abaaraha iyo nafaqada darrada ee IGAD ayaa ujeedada shirkan uga warramay wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG