Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tobneeyo qof oo lagu dilay Yemen


Duqeyn ay isbaheysigu u geysteen Yemen
Duqeyn ay isbaheysigu u geysteen Yemen

Dad ka badan 50 ruux ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen duqeymo dhinaca cirka ah oo ay diyaaraha Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta maanta la beegsadeen xabsi ku yaalla magaalada Dhamar oo 130 km dhinaca koofureed kaga beegan magaalada Sanca.

Bayaan kasoo baxay Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa lagu sheegay, in weerarada lagu beegsaday saldhig millatari oo ay magaalada Dhamar ku leeyihiin xoogagaga mucaaradka ee Xuutiyiinta.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si taxadar leh loo fuliyay lagana baaqsaday khasaaro soo gaara dadka rayidka.

Hase yeeshee, afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 60 qof lagu dilay weerarka. Yusuf al-Hadri, ayaa sheegay in goobta ay ciidamada Isbaheysigu duqeeyeen tahay xarun ay Xuutiyiinta u adeegsadaan xabsi ahaan.

Hey’adda Laanqeerta Cas ee caalamiga ah ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay dadka lagu dilay xabsiga magaalada Dhamar. Waxnaa ay halkaas u dirtay kooxaha gurmadka deg dega ah, dawooyin iyo bacaha meydadka la geliyo.

XS
SM
MD
LG