WASHINGTON. D.C —
Duufaanta loogu magac daray Dorian ayaa la filayaa in ay caawa ku dhufato qeybo kamida jasiiradaha Abaco iyo Bahamas.
Xarunta Dhexe ee Duufaanada ee Mareykanka ayaa sheegtay, in duufaantani ay tahay mid khatar ah oo helis ku keeni karta dadka ku nool Bahamas.
Sida la saadaalinayo duufaanta Dorian ayaa la filayaa in ay Bahamas uga sii gudubto gobolka Florida ee dalkaan Mareykanka Isniinta berrito ah.
Meelaha kale ee laga cabsi qabo in ay marto ayaa waxaa ka mid ah gobollada Waqooyiga iyo Koofurta Carolina iyo gobolka Goergia.
Facebook Forum