Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaaraadka iyo dowladda Yemen oo ay ka tafan tahay


Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka, Abdullah bin Zayed
Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka, Abdullah bin Zayed

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xqiijisay inay weerar duqeyn ah ku qaadday magaalada Cadan ee dalka Yemen, ayada oo beegsaneysa “maleeshiyo argagixiso ah” kadib markii dowladda Yemen ay sheegtay in weerarka lagu qaaday ciidamadeeda.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka ayaa maanta lagu yiri “duqeyn sidii la rabay u dhacday oo toos ah” ayaa arbacadii iyo khamiista lala beegsaday maleeshiyada.

Bayaanka Abu Dhabi ayaa intaas ku daray in maleeshiyada ay qorsheysay inay beegsato isbahaysiga Sacuudiga ee Yemen, kaasi oo Imaaraadka ay qeyb ka yihiin.

Imaaraadka Carabta waxay sheegeen inay qaadeen “tallaabo is-difaac ah” kadib markii weerar ay soo qaadeen “koox hubeysan oo ku xiran ururo argagixiso.”

Eedeymaha Imaaraadka Carabta ayaa sii sii xumayanay xaaladda cakiran ee Yemen.

Dowladda Yemen ayaa maanta ku eedeysay Imaaraadka Carabta inay weerarka kusoo qaadday ciidamadeeda, ayada oo taageereysa kooxda gooni ugoosadka ah ee Imaaraadka ay garabka siiyaan, taasi oo dib ula wareegtay gacan ku haynta Cadan.

Wasiirka warfaafinta Yemen, Muammar al-Iryani ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay 40 ka mid ah ciidamada dowladda, laguna dhaawacay 70 qof oo shacab ah.

XS
SM
MD
LG