Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo shuruud ku xirtay wada-hadallada Mareykanka


Wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in haddii Mareykanka ay wada-hadallo doonayaan, ay marka hore qasab tahay inay u hoggaansamaan heshiiskii sanaddii 2015 laga gaaray barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Isaga oo maanta ka hadlayey dalka Malaysia, oo uu booqasho ku joogo, ayaa Zarif waxa uu Mareykanka ku eedeeyey inay “ku lug leeyihiin argagixisanimo dhaqaale oo ka dhan ah shacabka Iran.”

Waxa uu tusaale usoo qaatay go’aankii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uga baxay heshiiskii 2015, kaasi oo Iran ay ogolaatay kadib wada-hadallo socday laba sano oo ay la gashay dalalka Mareykanka, Britain, Shiinaha, France, Russia, Jarmalka iyo ururka Midowga Yurub.

“Kama aynan tagin heshiiskaas. Waxaan weli miis la fadhinaa shan dal oo kale iyo Midowga Yurub, Mareykanka wuxuu ahaa dalkii lixaad ee go’aansaday inuu ka baxo.” Ayuu yiri Zarif.

“Sidaas darteed, haddii ay doonayaan inay kusoo noqdaan qolka, waxaa jira tikit ay tahay inay iibsadaan, tikit-kana waa u hoggaansamidda heshiiska.”

Trump ayaa aad u dhalleeceeyey heshiiskaas, wuxuuna sheegay inuu ahaa mid aad ugu wanaagsan Iran, islamarkaana uu furay waddo ay si fududd ugu sameysan karto hub Nukliyeer.

XS
SM
MD
LG