Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqoradda Britain oo ansixisay in howl-gab laga dhigo baarlamanka


Queen Elizabeth
Queen Elizabeth

Boqoradda Britain, Queen Elizabeth ayaa aqbashay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson uu ku codsay in howl-gab laga dhigo baarlamaanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay la-taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda Britain eeloo yaqaano 'The Privy Council', ayaa sidaasi sheegay maanta oo arbaco ah.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu xaqiijiyay in baarlamanka Britain howl-gab laga dhigay inta u dhexeysa 9-ka September ilaa laga gaarayo 14-ka October.

"Waxaa maanta boqoraddu ay amar ku bixisay in baarlamaanka uusan shaqeyn doonin inta ka horeysa 9-ka Spetember , 12-ka September ilaa laga gaarayo14-ka October 2019" Qoraalka kasoo baxay la taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda ayaa sidaasi lagu yiri.

Baarlamanka Britain ayaa lagu waday in uu dib u furmo 2-da Sebtember marka mudanayaasha baarlamanku ay kasoo noqdaan fasaxa

Talaabada ay boqoraddu ku dhaqaaqday ayaa doodo xoog badani ay ka dhasheen – in ay aqbashay codsigii Boris Johnson ee ahaa in baarlamaanka howlihiisa shaqo la joojiyo laga bilaabo bisha soo socta ilaa bartamaha October ayaa ka dhigan in Xildhibaanada laga hor istaagay in ay ka horyimaadaan qorshaha Britain ay doonayso in Midowga Yurub ay kaga baxdo heshiis la’aan.

Dibad-baxyo ayaa hadda ka socda afaafka hore ee dhismaha baarlamanka Britain iyadoo dadku ay diidan yihiin in boqoraddu ay go’aan intaas le’eg gaarto kadib codsiga uga yimid Boris Johnson.

XS
SM
MD
LG