Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba weerar oo 'is-miidaamin ah' oo ka dhacay Gaza


Gaza

Xamas ayaa sheegtay in laba qarax oo xalay ka dhacay Marinka Gaza ay ku dhinteen saddex sarkaal oo boolis ah, kuwaasi oo goobjoogeyaal ay ku qeexeen weeraro is-miidaamin ah.

Goobjoogeyaasha ayaa AFP u sheegay in labada weerarba ay ahaayeen is-miidaamin ay fuliyeen koox ku socotay mootooyin, hase yeeshee weli ma jirto wax xaqiijin rasmi ah.

Ilo-wareed xog ka haya baaritaanka ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaq Salafi ah oo taageera kooxda Daacish lagu tuhmayo weerarada.

Wasaaradda arrimaha gudaha Xamas ayaa xaqiijisay dhimashada saddexda qof, hase yeeshee waxay ku gaabsatay kaliya inay dhaceen laba weerar oo bambooyin, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah.

Waxa ay sheegtay in laba ka mid ah booliska dhintay ay ahaayeen 32 jiro, halka midka saddexaad uu ahaa 45 jir. Weerarada ayaa lala beegsaday laba bar kontorool oo boolis oo kala duwan.

Baaritaan ayaa socda, waxaana mas’uuliyiinta ay wacad ku mareen inay soo qaban doonaan “kuwa abaabulay.”

Weerarada is-miidaaminta ayaa ah kuwa naadir ka ah Marinka Gaza oo kooxda Xamas ay maamusho.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG