Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Waxaa jirta fursad aan kula kulmi doono Rouhani


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay “inay jirto fursad wanaagsan” oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, toddobaadyada soo socda.

Kulankaas ayuu Trump sheegay in haddii uu dhaco la isku dayi doono in looga wada xaajoodo heshiis cusub oo wax looga qabto hubka Nukliyeerka ee Iran, kaasi oo beddeli doona heshiiskii caalamiga ahaa ee 2015 ee Trump uu ka baxay sanadkii tagay.

Trump oo ka hadlayey dhammaadka shirkii G-7 ee ka dhacay dalka Faransiiska ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa in Iran ay dooneyso in la kulmo.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in cunaqabateenada dhaqaale ee uu dib u saaray Iran sanad ka hor “ay dhab ahaantii aad u dhaawaceen ayaga”, xilli Trump uu aad u xaddiday saliidda ay dibedda u dhoofiso.

Trump ayaa shuruud ka dhigay in kulan kasta oo uu la yeelanayo Rouhani ay ka hor Iran xaqiijiso inaysan xiisad kale ka abuuri doonin gobolka ayada oo qaadeysa dhaq-dhaqaaq militari iyo weeraro.

Waxa kale oo uu sheegay in heshiis kasta uu noqdo mid mamnuucaya barnaamijka Nukliyeerka Iran wax ka badan 10-kii sano ee ku dhignaa heshiiskii 2015.

XS
SM
MD
LG