Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Sacuudiga iyo Imaaraadka oo wada-hadal ku baaqay


Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa maanta wadahadallo nabadeed ugu baaqay dowladda Yemen iyo kooxda gooni u goosadka koofureed, kaddib dagaalo ba’an oo dhawaan laba dhimac ku dhexmaray magaalooyin ku yaalla Koofurta Yemen.

Qoraal saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen wasiirada arrimaha dibadda ee Riyadh iyo Abu Dhabi, ayaa dhinacyada isku hayo Koofurta Yemen loogu baaqay wadahadallo nabadeed oo lagu qaban doono magaalada Jeddah ee boqortooyada Sacuudiga.

Sidoo kale dowladda iyo kooxda Gooni-u-goosadka ayaa laga dalbaday in ay xabadda joojiyaan, isla markaana ay si wada jir ah ula shaqeeyaan guddi farsamo oo ka kooban dowladaha xulafada ee dagaalka ka wada Yemen.

Saudi Arabia iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa wada taageera dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee dalka Yemen, hase yeeshee madaxweynaha Yemen Abdu Rabbu Mansuur Hadi ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inuu qalabeeyo isla markaana maalgeliyo xoogaga gooni-u-gooosadka koofurta Yemen.

Maleeshiyaadka gooni u goosadka ayaa dhawaan la wareegay magaalooyinka Caden iyo Abyan ee koofurta dalka Yemen.

XS
SM
MD
LG