Isku xirrada

War Deg-Deg ah

400 sano guuradii billowga adoonsiga African-ka Mareykanka


Kulankii Norfolk
Kulankii Norfolk

Dhamaadkii Bishii August ee sanadkii 1619-kii, muddo haatan laga joogo 400 oo sanadood ayay aheyd markii ugu horreysay oo dalka Mareykanka la keenay dadka African-ka ah ee la adoonsan jiray.

Markab burcad badeed ay wadatay oo lagu magacaabi jiray White Lion, oo ka soo talaabay Badda Atlantigga, sidayna 20 African ah ayaa xilligaas ku soo xirtay tuulo yar oo la oranjiray Point Comfort oo ku taalla gobolka Virginia.

Dadkaasi African ah oo laga keenay dalka Angola, ayaa noqday African-kii ugu horreeyay ee cagta soo dhiga Virginia oo berigaas uu Ingiriisku heystay.

Imaanshiyahooda waxa uu bilow u ahaa dhaqankii iyo ganacsigii adoonsiga ee muddo 200 sanadood ah ka jiray America.

Hadaba warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa inoo diyaarisay Sahra Cabdi Axmed.

DHAGEYSO WARBIXINTA OO DHAN
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:32 0:00

XS
SM
MD
LG