Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Israel oo duqeeyey Gaza


Militariga Israel ayaa sheegay in ciidamadooda ay xalay duqeeyeen bartilmaameedyo ay kooxda Xamas ku leedahay Gaza, ayaga oo ka aargudanaya gantaallo ay kooxdaas kusoo ridday.

Xamas ayaa goor dambe oo maalintii arbacada ahayd waxay laba gantaal ku tuureen Israel – Taasi oo lix gantaal ka dhigeysa tirada gantaallada ay asbuuc gudihiisa ku weerareen Israel, sida ay sheegeen ciidamada Israel.

Sarkaal Falastiin ah ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in duqeynta ciidamada Israel lala beegsaday saldhig ciidamada badda ah oo ku yaalla Gaza.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel “ay beegsadeen saddex goob oo kale oo ku yaalla Daanta Galbeed iyo Khan Yunis.”

Lama sheegin wax khasaare nafeed oo ka dhashay duqeymahan.

Rabashadaha xuduudda Gaza ayaa sare u kacayey tan iyo bilowgii bishan.

Axaddii, saddex qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ciidamada Israel waxay ku dileen waqooyiga Marinka Gaza.

Sidaa kale qof kale oo Falastiini ah ayaa ciidamada Israel waxay khamiistii ku toogteen xuduudda Gaza. Waxaa jira dhacdooyin kale oo dhowr ah, oo iyagana Falastiiniyiin lagu dilay bishan gudaheed.

XS
SM
MD
LG