Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo loo doortay musharaxa Afrika ee Golaha Ammaanka


Uhuru Kenyatta
Uhuru Kenyatta

Dawladda Kenya ayaa ku guulaysatay codbixintii Guddiga Joogtada ah ee Ururka Midowga Afrika ee loogu tartamayey cidda qabanaysa kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2021-ka illaa 2022-ka.

Kenya ayaa cod-bixin ka dhacday magaalada Addis Ababa heshay 37 cod, halka Jabuuti oo la tartamaysay ay ka heshay 13 cod. Soomaaliya ayaa taageeraysay musharraxnimada Jabuuti.

Dawladda Kenya ayaa soo dhoweysay guusha diblomaasiyadeed ee ay gaadhay, waxayna uga mahadcelisay Ururuka Midowga Afrika cod-bixinta ay siiyeen.

Ururka Midowga Afrika ayaa magaca Kenya horgayn doona Golaha Ammaanka bisha June ee sannadka dambe, cod-bixin ka dhacaysa New York. Kenya ayaa haddii ay kursigaasi hesho haynaysa laba sano. Kenya ayaa in muddo ah si weyn u doonaysay kursigaasi.

Muhiimadda codkan ay Kenya ka heshay Afrika ayaa Caasha Ibraahim Aadan waxay ka waraystay Cabdisamad Cabdiwahaab oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika kuna sugan Nairobi.

Kenya oo ka guuleysatay Jabuuti
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00

XS
SM
MD
LG