Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka baaqday safar qorsheysnaa inuu ku tago dalka Denmark, halkaasi oo kulan kula yaalan lahaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Denmark Mette Frederiksen.
Sababta ayaa la sheegay in ra’iisul wasaaraha Denmark aysan Madaxweyne Trump kala hadli doonin suurto galnimada in Maraykanku uu iibsado dhulka Greenland.
Fariin dhinaca twitter-ka ayaa madaxweyne Trump uu ku yiri: “Denmarka waa dal gaar ah oo dad wanaagsan leh, hase yeeshee, maaddaama Ra’iisal Wasaare Metter Frederiksen aysan dooneyn in ay ka hadasho inaan Greenland iibsano, xilli kale ayaan dib ugu dhigayaa kulankii noo qorsheysnaa ee labo toddobaad ka dib dhici lahaa.”
Trump ayaa xiliyadii dambe ka hadlayey fikradda in Maryakanku uu dalka Denmark ka iibsado dhulka Greenland. Axaddii toddobaadkan ayuu sheegay in Denmark ay dhulkaas leedahay, Maryakanka iyo Denmark-na ay xulufo wanaagsan yihiin.
Madaxda dawladda Denmark ayaa durbadiiba ka jawaabay oo sheegay in jasiiraddu ayna iib aheyn.