Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Dhimashada weerarkii arooska oo gaartay 80


Afghanistan Blast in weeding

Khasaaraha dhimashada weerarkii kooxda Daacish ay ku qaadday xaflad aroos oo sabtidii ka dhaceysay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan ayaa gaartay 80 qof, sida ay maanta sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Weerarkaasi laga beegsaday hoolka ay ka socotay xafladda arooska ayaa waxaa fuliyey qof ismiidaamiyey.

Mas’uuliyiinta ayaa sabatidii sheegay in dhimahsada ay ahayd 63 qof, halka dhaawaca uu ka aha 180 qof.

“Dhimashada waxa ay hadda gaartay 80 qof” waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan, Nasrat Rahimi.

“Qaar ka mid ah dadkii sida xun u dhaawacmay ee isbitaalka loo qaaday ayaa geeriyooday” ayuu yiri.

Weerarkaasi ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa Kabul, tan iyo bishii Janaayo 2018, markaasi oo baabuur nooca gurmadka deg degga ah oo ku qarxay wadda ay dad badan ka buuxaan uu dilay 103 oqf.

Weerarkii Sabtida oo dadka lala beegsaday ay badankood ahaayeen Shiico ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish ee Afghanistan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG