Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ka qeybgalayay xaflad-aroos oo lagu laayay Afghanstan


Qarax Afghanstan

Ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 180 kalana dhaawac ayaa soo gaaray, kaddib marki qaraxyo ismiidaamin ah lagu weeraray xaflad-aroos oo xalay ka dhacday magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

Dhibanayaasha wax ku noqday weerarki xalay ayaa intooda badani ahaa dadka laga tirada badanyahay ee Shiicada Hazara.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanstan Nasrat Rahimi, ayaa xaqiijiyay khasaaraha tirada badan ee ka dhashay weerarka. Isaga oo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan dumar iyo caruur.

Mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegatay kooxda Daacish laanteeda dalka Afghanstan. Waxaase cambaareeyay kooxda Taliban oo sheegtay in beegsiga dumar iyo carruur ay tahay wax mamnuuc ah oo aanan marnaba loo cudurdaari karin.

Madaxweynaha Afghanstan, Ashraf Ghani ayaa weerarka ku tilmaamay ficil ka baxsan bani’aadannimada, wuxuuna hey’adaha amniga isugu yeeray kulan deg deg ah.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarki lagu laayay tobneeyo ruux oo ka qeybgalayay xaflad aroos oo xalay ka dhaceysay magaalada Kabul.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG