Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sudan: Milatariga iyo Mucaaradka oo Heshiiyay


Hogaamiyaha Milatariga iyo Hogaamiyaha Dibadbaxayaasha Sudan
Hogaamiyaha Milatariga iyo Hogaamiyaha Dibadbaxayaasha Sudan

Golaha Milatari ee sida kumeel gaarka ah u haya talada Sudan iyo hogaamiyaasha dibadbaxayaasha ayaa maanta magaalada Khartoum ku saxiixay heshiis taariikhi ah oo ay awoodda ku qeybsanayaan.

Heshiiskaan ayaa waddada u xaaraya, in labada dhinac ay soo dhisaan guddi ka kooban millatari iyo rayid oo muddo saddex sano ah xakumi doona dalka, kaddibna qaban doono doorasho xor ah oo lagu soo dhisayo dowlad rayid ah.

Qodobadda ugu waaweyn heshisika ayaa waxaa ka mida ah, in millatariga uu talada sii heyn doono muddo sannad ah ka hor inta aysan xilka ku wareejin xukuumad rayid ah. Waxaa kale oo ku jira heshiiska, in Talaadada soo socota oo ku beegan 20-ka bishan August in la magacaabo ra’isulwasaare iyo in golaha wasiiradda lagu dhawaaqo muddo sideed maalmood ah kaddib marka la magacaabo ra’isulwasaaraha.

Heshiiskan ayaa yimid kaddib bilooyin ay dalka Sudan ka dhacayeen bannaanbaxyo bishii December ee sanadki hore kasoo billowday sicir barar ku dhacay qiimaha shidaalka, kaddibna isu rogay dibad bax ka dhan ah madaxweynihi hore ee dalkaasi Jeneral Cumar Xasan Al Bashir.

Bannaanbaxayada ayaa ugu danbeyntii keenay in milatariga uu talada xoog uga maroojiyo madaxweyne Al Bashir, bishii April ee sannadkaan, taasoo soo gaba gabeysay muddo 30 sano ah oo uu Sudan soo xakumayay Cumar Al Bashir.

XS
SM
MD
LG