Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo ogolaatay booqashada Rashida Tlaib


Rashida Tlaib
Rashida Tlaib

Wasaaradda arrimaha gudaha Israel, ayaa sheegtay inay Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, u ogolaatay inay booqato qoyskeeda degan Daanta Galbeed ee la haysto.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay inuusan ogolaan doonin in Rashida iyo Ilhaan Cumar oo iyana ka tirasan Aqalka Wakiilada ay halkaas ku tagaan booqasho ay qorsheeyeen.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in haddii Tlaib ay soo dirsato codsi ay ku booqaneyso qoyskeeda sababo bani’aadanimmo dartood, ay Israel ka fakari doono, haddii ay ballanqaado inaysan dhiiri-gelin in la qaadaco Israel.

Tlaib ayaa khamiistii warqad u dirtay wasaaradda arrimaha gudaha Israel ayadoo tiri “waxaan codsanayaa fasax aan ku booqdo ehelkeyga, gaar ahaan ayeydey oo 90 jir ah.”

Waxa ay intaas ku dartay in tani ay noqon karto fursaddii ugu dambeysay ee ay ku aragto ayeydeed.

“Waxaan xushmeyn doonaa shuruudaha booqashada, mana dhiiri-gelin doono qaadacaad ka dhan ah Israel, inta aan ku guda jiro booqashadeyda” ayey Tlaib ku tiri warqadda oo ay baahiyeen warbaahinta Israel.

Wasaaradda arrimaha gudaha Israel ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay “inay go’aansatay in la ogolaado booqashada Tlaib ee ayeydeed oo 90 jir ah, sababo bani’aadannimo dartood.”

XS
SM
MD
LG