Dowladda Mareykanka ayaa maanta sheegtay inay dib u dhigeyso ilaa 15-ka bisha December, soo rogista canshuur cusub oo 10% ah oo la saari lahaa badeecadaha elektaroonika ee Shiinaha.
Si kastaba, Mareykanka waxa uu sheegay inaysan waxba iska beddeli doonin canshuur cusub oo la saaray badeecado Shiinaha ka yimaada oo qiimahooda dhan yahay 300 oo bilyan dollar, taasi oo dhaqan-geleysa 1-da September.
Ayada oo Washington iyo Beijing ay ka shaqeynayaan xal u helista dagaalka ganacsiga ee sii xumaanaya, ayaa wakiilka gacansiga ee Mareykanka, Robert Lighthizer waxa uu maanta la hadlay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Shiinaha Liu He, waxaana la qorsheeyey in laba toddobaad kadib uu sidoo kale taleefon kula hadlo mar kale.
Wareeggii ugu dambeeyey canshuuraha, oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhowaaqay 1-dii August, ayaa waxa uu macnaheedu yahay in dhammaan badeecadaha Shiinaha uu usoo dhoofiyo Mareykanak ay la kulmi doonaan canshuur dheeri ah.
Trump ayaa maanta ku eedeeyey Beijing inay ka leex-leexaneyso ballanteeda ah inay iibsaneyso wax soo saarka beeraha Mareykanka.