Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta oo 'weeraray' garoon ku yaalla Sacuudiga


Garoonka Abha
Garoonka Abha

Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen ayaa sheegay in diyaaraddaas oo sidday walxaha qarxa ay ku dhacday gudaha dalka Yemen, oo aysan usoo gudbin Sacuudiga.

Afhayeenka isbahaysiga Kolneyl Turki al-Maliki, ayaa beeniyey in garoonka Abha lasoo weeraray, wuxuuna sheegay in diyaaradda ay ku dhacday gobolka dhanak waqooyi ka xigay magaalada Sanca ee Amran oo Xuutiyiinta ay maamulaan.

Xuutiyiinta oo maamula magaalada caasimadda u ah Yemen ee Sanca iyo deegaanada ku hareereysan ayaa bilihii dhowaa sare u qaday weerarada ay ka fulinayaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga.

Ayaga oo taas ka jawaabaya, ayaa isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen waxay beegsadeen goobo militari oo ay kooxdan leedahay, gaar ahaan kuwo ku yaalla agagaarka Sanca.

Weeraradan ayaa sii adkaynaya dadaallada nabadeed ee QM ay hoggaamineyso.

Isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo sidoo kale taageero ka hela reer

XS
SM
MD
LG