Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xujey ku sugan Makka oo sheegay inaysan weli xajin


Xujey ku sugan magaalada Makka ayaa sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyaga oo eedo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan.

Xujeydan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, islamarkaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inaysan helin meel degaan ah oo ay seexdaan.

Cabashada xujayda ayaa waxaa ka jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow oo isna ku xugan Xajka.

Hoos ka dhageyso wareysiyo ku saabsan cabashada dadkan iyo jawaabta wasiirka oo uu qaaday Maxamed Cabdi Sandheere.

Cabashada Xujayda
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00
Jawaabta wasiir ku-xigeenka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:32 0:00

XS
SM
MD
LG