Isku xirrada

War Deg-Deg ah

57 qof oo ku dhimatay Tanzania


Tanzania
Tanzania

Dalka Tanzania, ugu yaraan 57 qof ayaa ku dhintay kadib marki uu qarxay baabuur ay saarneyd booyad shidaal.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in booyada ay qaraxday waxyar kadib marki uu baabuurka booyada waday ku rogmaday magaalada Morogoro ee bariga Tanzania.

Saraakiisha ayaa Sabtidan maanta ah sheegay in dadka dhintay ay isku dayeen in ay gurtaan shidaalka qubanayay, taasoo keentay inuu dab qabsado baabuurka.

Magaalada shilku uu ka dhacay ee Morogoro ayaa qiyaastii qiyaastii 200 oo Kilometer dhanka galbeed ka xigta magaalada caasimada u ah dalkaasi Tanzania ee Darasalaam.


XS
SM
MD
LG