Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Meydka askari Israeli ah oo laga helay Daanta Galbeed


Ciidamo ku sugan goobta laga helay meydka askariga
Ciidamo ku sugan goobta laga helay meydka askariga

Militariga Israel ayaa maanta sheegay in deegaan ku dhow Daanta Galbeed oo koonfur ka xiga magaalada Qudus laga helay meydka askari ay ka muuqdaan dhaawacyo ka dhashay toorey.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga, ciidamada iyo booliska Israel ay baaritaan ka waday meel u dhow deegaanka Etzion ee meydka laga helay, saacadihii hore ee maanta.

Afhayeenka ciidamada, Koloneyl Jonathan Conricus ayaa sheegay in askariga uu ahaa arday baranayey daruus diimeed ciidamada la siiyo ka hor tababarka miltari, islamarkaana uusan hubeysneyn ama xirneyn darees militari.

Waxa uu sheegay in militariga ay baarayaan sababta dhimashada askariga.

Askariga ayaa goor dambe magaciisa lagu sheegay Dvir Sorek, oo ahaa 19 jir, kana soo jeedaay xaafadda Ofra ee deegaameynta Israel ay ka sameysay Daanta Galbeed.

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan “baacsi si ay usoo qabtaan argagixisada falkan gaystay, ulana xisaabtamaan.”

XS
SM
MD
LG